Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhacday Hotelka Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana munaasabadan oo lagu maamuusayay xafiisyada Websit-yada Gololey iyo Allkheyraad ka soo qeyb galay aqoonyahano, weriyeyaal, waxgarad, dhallinyaro haween iyo wiilal isugu jiray iyo marti sharaf fara badan oo kor u dhaafeysay 600-ruux, iyadoo xafladaasi ay ruwaayad iyo miyuusik dhuuxa iyo lafaha dhalaaliyay ka qeyb galayaasha ay soo bandhigeen kooxaha fanka.

Sidoo kale waxaa xafladda ka soo qeyb galay Macallimiinta Dugsiyada magaalada Muqdisho iyo Ganacsatada gobolka, waxaana ka qeyb galayaasha xafladda khudbad ku saabsan ujeedada furitaanka labada xafiis ee Websit-yada ka jeediyay wakiilkooda Maxamed Cumar Maxamed (Nageeye) oo sheegay in waxqabadka labada Websit ay iska kaashadeen dhallinyaro isugu jirta kuwo qurbaha ku nool iyo dalka gudihiisa, "Waxaan idiin ballanqaadayaa in howlaha labada Websit aad ka maqsuudi doontaan dhan walba" ayuu yiri Wakiilka oo sheegay in labadan Websit ay u doodi doonaan dadka duman, kuwa lagu tacdiyo iyo dhacdooyinka ka dhaca caalamka.

Khudbadda Wakiilka labada xafiis Md. Nageeye kaddib ayuu qadka isgaarsiinta isagoo ku wareejinaya madaxda labada Websit waxa uu Maykarafoonka u dhoweeyay Telefoonkii, waxaana khudbad ka jeediyay halkaasi madaxda labada Websit oo kala ah: Md. Baashi Maxamed Cusmaan oo ah Guddoomiyaha Websit-ka Gololey.com iyo C/raxmaan Xasan Maxamuud (Lexaate).

Xafladda maanta lagu maamuusayay furitaanka labada Websit ee Gololey iyo Allkheyraad.com ayay sheegeen labada mas'uul ee iyagu iska lahaa asaaskooda waxay ka qeyb galayaasha xafladda u ballanqaadeen inay noqdaan kuwo afhayeen u noqda bulshada Soomaaliyeed ee danyarta ah dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, iyagoo sheegay inay door ka qaadan doonaan sidii ay Websit-yadooda ugu soo bandhigi lahaayeen qoraalo iyo warbixino ka tarjumaya xaaladda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya maanta, isla markaana ugu soo jeedin lahaayeen indhaha beesha caalamka.

Labadan Websit ee Allkheyraad iyo Gololey.com oo la asaasay sanadkii 2006-da waxay ka qeyb qaateen isla markaana lagu soo bandhigay qoraalo ka hadlaya mideynta jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Denmark iyo sidii ay door muuqda uga qaadan lahaayeen taakuleynta dadka ay halakeeyeen abaaraha, colaadaha iyo barakaca dalka ka dhacay.

Ugu dambeyntii khudbadda Guddoomiyeyaasha labada Websit kaddib waxaa halkaasi ka hadlay xubno isugu jiray barayaasha Iskuulada magaalada Muqdisho, Aqoonyahano, Culumaa'udiin, dhallinyaro iyo Waxgarad, kuwaasoo mahad celin u jeediyay madaxda labada Websit, iyagoo sheegay inay sii laba laabaan doorkooda ku wajahan gudaha dalka, iyagoo sheegay inay uga hambalyeynayaan sida ay isugu xilsaareen furitaanka labada xarumood, waxayna ku gubaabiyeen inay tabliiqooda gaarsiiyaan Soomaalida kale ee ku nool dalalka qurbaha.
 

Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
E-mail: jabriil@journalist.com


Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net