|
(Allkheyraad)
:-Banaan bixii ugu waynaa oo ay sameeyaan
dadka reer hargeysa iyo reer Burco ayaa dhacay maanta oo arbaco
ah.subaxnimadii waagu markuu beryay ayaa magaalooyinka Hargeysa iyo
Burco waxaa hadheeyey boqolaal qof oo boodhadh wata kuwasoo ka soo
horjeeda maamulka riyaale.
shalay eyey ahayd markii aan ka soo qornay warsaxaafadeed uu soo
gaadhsiiyey shabakadaha warbaahinta siilaanyo oo ka cabanayaa maamulka
riyaale iyo isagoo udiraya farriintii ugu danbaysay kooxda riyaale.
Hiirtii waa bari ayaa waxaa isu soo baxay boqolaal qof oo ku bannaan
baxayay maamulka riyaale kuwaasoo watay boodhadh ay ku qoran yihiin
qoraalo muujinaya sida uu xabsiga udhigo bulshada reer hargeysa iyo reer
burco.
waxaa kaloo iyadana bannaan baxani ka dhacay magaalada Burco oo ka so
jeedo siilaanyo halkaasoo ay iyana isugu yimaaddeen taageerayaasha
xisbiga uu madaxda kayahay siilaanyo.
mar waraysi lala yeeshay hogaamiyaha kulmiye waxaa uu sheegay inaanay u
dul qaadan donin handadaadda iyo caga juglaynta uu ku hayo riyaale.
waxaa kaloo waraysigiisa ku sheegay in riyaale uu sameeyey toogasho dad
rayid ah,ayna ka mid tahay gabadha layidhaahdo hani hassan oo la togotay
26april isagoo soo bandhigay saxaafadda siiyey magacyada dadka uu xidh
xidhtay riyaale ay doonayaan in lasii daayo kuwasoo isugu jira dad
shacab ah iyo siyaasiniin kukala jira xisbigayada kulmiye iyo qaran.
mar wax laga waydiiyey sababta ay u banaan baxayaan ayuu ku sheegay
inaanay ogolaan doonin kordhinta uu riyaale kordhistay,iyadoo ay ku
egtahay xukumadda riyaale 15bishan.
axmed maxamed siilaanyo ahaa ninkii sanadkii hore lagaga shubta
doorashada sida la xaqiijiyey ayaa hadana sanadkan uu ka kordhistay
riyaale oo nin dactaytar ah sida lagu yaqaanay horayna ugu shaqayn
ciidamadii hore ee sirdoonka isagoo ka mid ahaa saraakiishii loo keenay
LAAS AANOOD inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Jamhadii SNM ta.
Banaan baxanan oo ku dhacay si nabad ah ayaa ahayd tani farriintii
labaad ee uu diro riyaale iyo kooxdiisa iyadoo shacabka reer hargeysa ay
soo wajahday cabsi wayn iyo wal wal siyaasadeed oo soo food saartay
shacabka uu riyaale iyo kooxdiisu ku haystaan jajuubka.madaxey :-weriyaha
Ku Laabo |
|
Copyright © 2006-07
Allkheyradka--design:- Bashka |
|
|