Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Saaka waaberigii ayaa la arkayay Ciidamada dalka Itoobiya oo isku ballaarinayay degaanka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho halkaas oo shalay gelinkii dambe dagaalo ka dhaceen kuwaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ku kacsan Xukuumadda Soomaaliya.

Dadka degaanka Suuqa Xoolaha oo bilaabay inay ka baxsadaan guriyahooda iyagoo ka baqaya Ciidamada Itoobiya ayaa waxay sheegeen inaan wax iska hor imaad ah ilaa iyo hadda la kulmin Ciidamadaas balse waxay sheegeen inay dhici karto in kooxaha kacdoonka wada ay ka hortagaan Ciidamadaas oo ku faafay xaafadda oo dhan.

Xaafadda Suuqa Xoolaha waxay ka mid tahay xaafadaha inta badan ay nacab yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya maadama halkaas ay kala kulmaan dagaalo iyo iska cabin xoogan

Wariye jooga Xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa waxaa uu sheegaya in cabsi fara badan ay jirto, wuxuuna sheegay inaan wax saadaal ah laga bixin Karin xaaladda degaanka siduu ahaan doono maanta

madaxey :-weriyaha
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net