Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Madaxweynayaasha Soomaaliya & Faransiiska ayaa wada hadalo qaatey Saacado badan ku qaatey Madaxtooyada looga taliyo dalka Faransiiska ,kulankaasi oo lugu soo qaaday arimo badan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo waayahaan booqanayay dalalka Reer Galbeedka & Qaarada Yurub ayaa kala hadlay Madaxweynaha Faransiiska ,arimaha Xiriirka labada oo si guud loo soo qaaday.

Madaxweyne Yuusuf wuxuu hordhigey Dhigiisa Paris in uu ku taageero ,dhaqaale ,Milateri & Siyaasad si dalka dagaaladu la dageen ee Soomaaliya looga saaro dhibaatada mudada uu ku jiray.

Md. Yuusuf wuxuu codsaday in ay Faransiisku qeyb weyn ka ciyaarto sidii Ciidamo ka socda Qaramada Midowbay loo geyn lahaa Soomaaliya kuwasoo badalaya ciidamada Dawladda Itoobiya & Kuwa Midowga Africa.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo ka codsaday Madaxweynaha Faransiiska sii wadada xiriir Saaxiibtinimo ee udhaxeeya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Xukuumada Faransiiska & Iskaashiga dawladnimo ee ka dhaxeeya.

Kulankaan labada Madaxweyne ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan ,isagoo Madaxweynaha Faransiisku balan ka qaaday Madaxweyne Yuusuf una sheegay in dhamaanba waxyaabaha ay ka wada hadleen uu si deg deg ah wax uga qabanayo.

Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ee Faransiisku waa tii ugu horeysay oo nooceeda ah kuna soo gaaro dalkan Faransiiska ,waxa ayna Booqashadan dawladda Soomaaliya ku soo biirisay arimo fara badan.
 

madaxey :-weriyaha
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net