Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Gn.Maxamuud Muuse Xirsi Cadde oo goordhowayd Waraysi siiyey Idaacada Washinton ee VOA ayaa Beeniyey Wararkii Beryahan dambe La isla dhexmarayey ee ahaa in ay Puntland Qafaashay xubno ka mida Jamhada ONLF.

Cadde Muuse ayaa sheegay in aysan Haba Yaraatee Xukuumadiisu Waxba kala socon Dadkaasi aysana Jirin dad laga Qabtay Gobolada Puntland oo kasoo jeeda Beesha absame iyo Jamhada ONLF Toona.

Majiraan dad laga Qabtay Puntland oo lagu wareejiyey Ethiopia Xukuumada Puntland-na arintaas waxba kalama Socoto sidaas waxaa Yiri Madaxweyna Maxamuud Muse Xirsi Gen.Cadde.

Madaxweynuhu waxa uu yiri Waan la Xiriiray Wasiirka Maaliyada ee Arintan lagu Eedeeyey Waxaana uu ii sheegay in aysan Arintaasi ahayn Mid sal iyo raad Toona leh sidaas waxaa yiri Madaxweyne Cadde Muuse Mana jirto ayuu yiri Cid ay Puntland u qafaashay Xukuumada Ethiopia.

Maal mahan ayaa waxaa Gobolada Puntland si wayn looga Hadal Hayey Dad ka soo Jeeda Gobolka Ismaamulka Soomalida ee Ethiopia oo lagu eedeeyey ay ka mid yihiin ONLF ay Puntland u afduubtay Dowlada Ethiopia hase yeeshee Madaxda Maamul goobleedka Puntland ayaa Si Toos ah u Beenisay Warkaasi oo ay kusheegeen War kuturi kuteen ah oo ay Baahiyeen Dad aan Jeclayn Jiritaanka Maamul Goboleedka Puntland Sida uu sheegay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland oo u waramayey idaacada VOCE of America ee ku Taala Wanshinton.


madaxey :-weriyaha
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net