(Allkheyraad)
:-Guddoomiyaha baarlamanka federaalka
Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku amray
xildhibaanada baarlamanka iney si deg deg ah u soo diiwaan geliyaan
tirada ilaaladooda gaarka ah ee ay leeyihin iyo hubka ay heystaan.
Sheekh Aadan
Madoobe ayaa intaa ku daray in arintan ujeedada laga leeyahay ay tahay
sidii loo ogaan lahaa cida ka dambeysa xasilooni darida ka taagan
mudooyinkan dambe magaalada Baydhabo, isla markaana wax looga qaban
lahaa nabadgelyo xumida magaaladaasi hareysay.
Qaar ka mid ah
xildhibaanada baarlamka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa iney soo
jeedinta ka timid Sheekh Aadan Madoobe ku tilmaameen mid khalad ah,
waxayna xuseen xasiloonida ka taagan magaalada Baydhabo inay tahay mid
salka ku heysa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka Soomaaliya ee u
dhexeeya ciidamada DF iyo kuwa Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda oo
haatana aysan jirin wax iyaga dhinacooda farta loogu soo godo.
Magaalada
Baydhabo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxay wehel u noqotay dilal iyo
qaraxyo lala beegsanayo saraakiisha iyo ciidamada Dowladda federaalka
iyo kuwa Itoobiya ee jooga magaalada Baydhabo, waxaana dhacdadii ugu
dambeysay ay halkaasi ka dhacday maalmo ka hor ka dib markii tacshiirad
ay fureen cidamada Itoobiya ay ku dhinteen ku dhowaad 15 ruux, taasoo ka
dambeysay qarax ay kaga geeriyoodeen labo askari oo halkaasi lagula
beegsaday
madaxey :-weriyaha
Ku Laabo |