Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Dadkani barakaca ah , kana soo cararay dagaalada ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay degan yihiin aqalo ka sameysan

maro jeex jeexan , Baakado , baco iyo cooshado aaney celin Karin roobka iyo cadceeda .

Muqdisho : Qoysas badan oo ku barakacay Deegaanada u dhaxeeya Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa walwal ka muujiyay xaaladda nololeed ay ku sugan yihiin , iyagoo dalbaday in gargaar lala soo gaaro oo ku saabsan cunadda iyo in wax laga qabto aqalada ay ku noolyihiin oo dabeylaha roobka xilligan dalka ka bilowday ay qaadayaan.

 

 

barakacayaasha ayaa waxa ay codsadeen in lala soo gaaro kaalmo bani’aadanimo iyo waxyaabo kale oo wax ay uga qaban karaan aqalada ay hooyga ka dhigtaan.

 

Hey’adaha samafalka iyo dhaqaalyahanada ayaa sheegay in Soomaaliya ay Qatar ugu jirto xaalad tii ugu xumeyd oo bani’aadanimo hadii aanan lala gaarin gurmad samafal oo cunno iyo dawo ah.

Wariyaha Muqdisho ee allkheyraad.com zaka19@gmail.com


Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net