(Allkheyraad)
:-Afhayeenada Ciidamada Booliska iyo
Maxkamadaha Islamka ee Soomaaliya ayaa waxaa midba mid kale sheegtay in
dagaalkii shalay galinkii dambe ka dhacay degmada Waabari ay ka soo
hooyeen guulo waa weyn oo mid kasta ku faanay
Afhayeenka Ciidamada Booliska
Dowladda Federaalka C/llaahi Cumar Ibraahim (Shac shac ) ayaa sheegtay
in dagaalkii shalay ka dhacay degmada Wabari ay qasaaro u geysteen
kooxihii shalay Weerarka ku soo qaaday Saldhaiga, waxaana uu sheegay in
ay ka dileen ilaa 5 Ruux sedax kalena ay qabteen sida uu hadalka u
dhigay,waxa uuna qirtay in dagaalkaasi ay uga geeriyoodeen laba ka
tirsan askarta Ciidamada booliska ee saldhiga degmada waabari.
C/raxiin Ciise Caddow oo isna u
hadlay Maxkamadaha Islaamiga ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkaasi ay ku
dileen 8 ka tirsan Ciidamada booliska islamarkaana ay gubeen laba
gawaari uu sheegay in ay la haayeen Ciidamada Booliska wuxuuna qirtay
afhayeenkan in dhankooda dagaalkan kaga geeriyooday hal ruux.
Sheegashada Guulan ka
sokow ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha labada dhinaca ka soo gaaray
dagaalkaas
Xaaladda Degmada Waaberi ayaa saaka degan iyadoo isu socodka
Gaadiidka iyo dadweynaha aan wax saameyn ah ku yeelan dagaaladii shalay
gelinkii dambe halkaas ka dhacay
madaxey :-weriyaha
Ku Laabo |