Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Dagaalkan oo shalay gelinkii dambe ku dhex maray degaanka Nuur Fanax ee Gobolka Hiiraan Maleeshiyaadka Maxkamadaha Islaamiga iyo Ciidamo Itoobiyan ahaa oo sida la sheegay ay ahaayeen Geedi ayaa waxaa ku geeriyooday dagaalkaas Madaxii Maxkamadaha Islaamiga Sheekh Amiin Barqadle Cosoble (Sheekh Daacad).

Guddoomiyihii Maxkamadaha Islaamiga Gobolka Hiiraan ahna guddoomiye kuxigeenka afarta Gobolka Mudug, Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe ayaa geeriyooday intii uu socday dagaalka ka dhacay Nuur Fanax ee Gobolka Hiiraan.

Sida uu sheegay Xuseen Xaaji Maxamed Muhamed (Gaagaale) oo ka mid ah Saraakiisha Maxkamadaha Islaamiga marxuumka meydkiisa ayaa weli laga garanaya inuu yahay Shahiid isagoo carabka ku dhuftay in meydka dhidid fara badan ka muuqday.

Dagaalkaas ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 7 ruux oo rayid ah, iyadoo dhanka Maxkamadahana laga soo sheegay in labo ruux ka dhimatay

madaxey :-weriyaha
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net