Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Qaar ka mid ah shaqaalaha labada aqal ee guurtida iyo wakiilada ayaa galabta ugu ambabaxey tababar dalka Ittoobiya.Shaqaalahan oo ka koobnaa siddeed qof oo lix ka mid ahi ka socdaan wakiilada waxa ay

muddada ay ku maqan yihiin socdaalkoodan ay soo baran doonaan howlaha la xidhiidha shaqada baarlamaanada.Axmed Xuseen Ciise oo ah madaxa IPRT oo ka caawisa tababarada baarlaamaanka oo ka hadalaya shaqaalahan ayaa yidhi,"Sida aad wada ogsoon tihiinba waxaynu nahay dal cusub oo dhismaya, Baarlamaanku labada gole ee Wakiilada iyo Guurtiduna waa salkii dawladnimada, markaa waa in shaqaalaha ka shaqeeyaa ay noqdaan shaqaale tababaran oo aqoon leh, oo yaqaana habka baarlamaanadu u shaqeeyaan, maadaama ay Somaliland intaasi oo dhami inoogu suurto geli karin inaynu ku wada barano, waxa muhiim ah in mararka qaarkood ay dibada u baxaan oo ay soo arkaan sida baaralmaanada kale ee inaga horeeyay ay u shaqeeyaan.

"Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada, C/Risaaq Maxamed Ayaanle, oo ka warramayey socdaalkooda waxa uu yidhi "Anagoo ka kooban shaqaalaha golayaasha Baarlamaanka, gaar ahaan hawl-wadeenada hadal qoraalka ee labada gole, waxaanu dalka Itoobiya ugu baxaynaa aqoon korodhsi ku wajahan shaqada baarlamaanka, anagoo ka soo faa'iidaysan doona Baarlamaanka dalkaasi, aqoon isweydaarsigaasi waxa noo qaban qaabiyay Haa'yada IPRT, oo uu gudoomiye u yahay Dr. Axmed Xuseen Ciise, oo aanu aad iyo aad mahad- naq ugu soo jeedinayno.


Mr Ayaanle waxa uu intaa ku darey in muddo toddoba cisho ah uu qaadan dooono socdaalkoodani, waxaanu ammaan u soo jeediyey Heyada IPRT uu sheegey in ay wax badan la qabatey baarlamaanka.

Axmed Xuseen Ciise oo ah madaxa IPRT oo ka caawisa tababarada baarlaamaanka oo ka hadalaya shaqaalahan ayaa yidhi,"Sida aad wada ogsoon tihiinba waxaynu nahay dal cusub oo dhismaya, Baarlamaanku labada gole ee Wakiilada iyo Guurtiduna waa salkii dawladnimada, markaa waa in shaqaalaha ka shaqeeyaa ay noqdaan shaqaale tababaran oo aqoon leh, oo yaqaana habka baarlamaanadu u shaqeeyaan, maadaama ay Somaliland intaasi oo dhami inoogu suurto geli karin inaynu ku wada barano, waxa muhiim ah in mararka qaarkood ay dibada u baxaan oo ay soo arkaan sida baaralmaanada kale ee inaga horeeyay ay u shaqeeyaan.

madaxey :-weriyaha
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net