|
(Allkheyraad)
:-Kalluumeysatada
magaalada Muqdisho ayaa sameeyay howl-joojin maalintii labaad, kaddib
markii sida ay sheegeen qaar ka mid ah Doonleyda inay u adkeysan waayeen
lacag canshuur ah oo ay ku soo rogtay Dowladda Hoose taasoo ah qiimo aad
u fara badan oo aanay macaash ugu jirin jillaabashada Kalluunka iyo
kheyraadka Badda.
Kulan looga
hadlayo sidii wax looga qaban lahaa cabashada Kalluumeysatada ayaa
maanta ka dhacay Degmada Xamar Weyne, kaasoo ay soo qabanqaabiyeen
beesha Carab Soomaali waxaa ka soo qeyb galay madax ka tirsan Dowladda
Federaalka, maamulka Kalluumeysatada iyo Doonleyda magaalada Muqdisho,
Waxgarad, siyaasiyiin iyo aqoonyahano, kaasoo looga hadlayo
cabashooyinka Kalluumeysatada iyo sidii looga yareyn lahaa lacagaha
canshuurta ah, iyadoo mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka ee ka soo qeyb
galay shirkaasi ay sheegeen inay door lixaad leh ka qaadanayaan sidii
maamulka G/Banaadir canshuur dhimis ugu sameyn lahaa Kalluumeysatada.
Wasiirada Qoyska
iyo Haweenka Drs. Fahmo Axmed Nuur oo ka mid ahayd madaxdii Dowladda
Federaalka ee ka qeyb gashay kulankaasi ayaa sheegtay inay iyadu ka qeyb
qaadan doonto sidii ay dowladdu wax uga qaban lahayd cabashooyinka
Kalluumeysatada, iyadoo tixgelin siineysa codsiga ay u soo jeediyeen
kalluumeysatada ee ku wajahan sidii Dowladda Hoose canshuurta uga dhimi
lahayd.
Dhinaca kale waxaa
halkaasi khudbado ka jeediyay xubno ka tirsan maamulka Doonleyda iyo
Kalluumeysatada, kuwaasoo ka hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin, iyo
dhibaatooyinka ka soo wajaha howlahooda, iyagoo sheegay in howshooda ay
hadba heer isu bedesho xilliga Badda awgeed marna ay hoos u dhacdo
shaqada marna ay normal tahay, iyagoo sheegay in kalluunka iyo
waxyaabaha kale ee ay badda ka soo saaraan loo iib geeyo magaalada
Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood
jabra:-weriyaha
Ku Laabo |