|
(Allkheyraad)
:-Diyaaradaha Mareykanka
ayaa Mar Labaad Duqeyn Culus Ka Geystay Deegaanka Xiin Dheere Oo Ka
Tirsan Gobolka Gal Gaduud.
Diyaaradaha Mareykanka ayaa saakay Duqeyn Xoogan Ka Geeystay Guri Ku
Yaal Deegaanka Xiin Dheere Ee Gobolka Gal Gaduud Iyagoo Halkaa Ku
Duqeeyay Madaafiic Aad U Cul Culus.
Gurigaan ay Duqeeyeen Diyaaradahaan Mareykanka ayaa Sida Aanu Wararka Ku
Helayno aysan Jirin Cid Ku Sugnaayd Wallow Daryanka Sawaariiqda Cul
Culus ay Qal Qal Galiyeen Guud ahaan Dadka Ku Dhaw Nawaaxiga Deegaanka
Xiin Dheere.
Ilaa Hada Lama Garanyo Qasaaraha Dhabta ah Oo ay Geeystay Duqeynta
Naxariis Daro Oo ay Deegaanka Xiin Dheere Ka Fuliyeen Diyaaradaha
Mareykanku.
Maalmo Ka Hor ayay ahayd Markii ay Sawaariiq ay Dowladda Mareykanku Ku
Qaraacday Magaalada Dhuusa Mareeb Oo Xarun U ah Gobolka Gal Gaduud
Halakaa Oo ay Ku Geeriyoodeen Dad Badan Oo Shacab ah Iyadoo Ilaa Hada ay
Saameyntii ay Ku Reebtay Suntii Ka Dhalatay Duqeyntaana ay Dad Shacab ah
Isbitaalada La Jiifaan.
Xukuumada Bush ayaa Iyadu Bilahaanba Ku Howlaneeyd Duqeeymo Kala Duwan
Oo ay Ka Wado Gudaha Dalka Soomaaliya Taa Oo ay Sheegayaan In ay La
Baadi Goobayaan Shaqsiyaad Lidi Ku ah Danaha Mareykanka Balse ay
Duqeyntaa Ku Gumaadeen Dad Iyo Duunyo Soomaaliyeed.
Ma Jiraan Ilaa Hada Wadamo Si Sax ah Ugu Hadlay Falalka araxan Daro ee
Mareykanku Ka Wado Gudaha Dalka Soomaaliya Wallow ay Jiraan Wadamo Iyagu
Xoogaa Yara Cambaareeyay Sida Dalka China Oo Kale.
madaxey :-weriyaha
Ku Laabo |
|
Copyright © 2006-07
Allkheyradka--design:- Bashka |
|
|