(Allkheyraad)
:-Ganacsigii guud ee suuqa weyn ee Bakaaraha
ayaa goor dhoweyd albaabada la isugu dhiftay, kadib markii mar kaliya
dadka ku sugan mehradaha ganacsi ee suuqa bakaaraha ka war heleen
mowjado caro leh
Dadweyne careysan ayaa meelaha qaar ka sameynayay banaan bax dhagxaan
wata oo goob walba ay la dhacayeen, taasina ay keentay inuu xirmo
ganacsiga suuqa oo idil.
Waxaa wadooyinka suuqa si
aad ah u yaacaya boqolaal dhalinyaro ah oo u badan kuwa dan yar isla
markaana ahaan jiray xamaalatada suuqa,waxaa ay xiran yihiin garamo
iyagoona dhagxaan waa weyn ku tuuraya meel waliba oo ay arkaan iyadoo
furan.
Ma jirto cid wali isku dayda in ay la hadasho ,laakin iyagu hadalkoodu
waa Dhagax, mana aqbalayaan hanjabaada dadka qaarkood oo uga digaya in
ay kuso turaan dhagxaanta,waxaa ay isku arkaan dad xaq u leh waxa ay ku
kacayaan.
Ma jirto goob ganacsi oo
saaka furan iyadoona suuqa oo dhan ay hareeyeen sawaxanka ah''Dooni
Meyno''Damiir laawe dooni meyno''oo ay ku tilmaamayaan ganacsatada
diidan qaadashada lacagaha dugga ah.
Iyagoo raxan raxan u soconaya ayay suuqa ku gaaf wareegayaan waxaana
meel waliba oo dad ay ku arkaan ay kula macaamalayaan dhagax iyo
cambareyn,sidaasi darteed ayaa meel waliba oo ay kusoo dhawaadaan laga
kala cararayaa.
Muqaalka oo maanta ah Mid kacsan wuxuu u muuqdaa mid abuuri kara in
dadka danyart ah ay labo wado mid u furanto waa mida koowaadee in ay
arkaan lacagaha oo aan la kala sooceyn oo qof walba wuxuu arko wax ku
iibsanaya iyo in ay ka quustaan waxa ay maanta hiigsanayaan oo ah in
lacagaha la qaato.
Gudoomiyaha ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Dheere waxaa uu bartmaha
bakaaraha ku jeex jeexay Lacag dhan shan malyan oo u cusub ah, isagoo
markaa ganacsatadu ugu baaqay in ay diidaan lacagaha cusub.
Dekeda Muqdisho ayaa ka mid ah meelaha saameynta ku yeelataya rabshadaha
saaka ka bilowday Muqdisho, waxaa albaaba dekeda dhooban kumanaan ka soo
tagay Xaafada Madina, iyagoo ka careysan diidmaha lacagaha shilin
soomaaliga
 madaxey :-weriyaha
Ku Laabo |