Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Maxaad ka ogtahay Gacan Saarka Riyaale iyo Afqudhac? By Maxamed Cali Cilmi

 Waxaa maalinba maanta ka dambeysa soo ifbaxaya xiriirka qotada dheer qarsoodidana ah ee ka dhexeeya maamulka Gooni goosad doonka ee ka arimiya gobolada waqooyi ee Somalia iyo Madaxweyne Ku xigeenka maamulka Puntland Xasan Dahir Maxamuud (Afqudhac).
 
Iyadoo laga wada dharagsan yahay qaabkii sahlanaa ee uu maamulka gooni goosadka ula wareegay Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood ka dib markii ay wax iska caabin ah kala kulmi waayeen maamulka Puntland ee ay shacabka SSC u arkayeen maamul iyaga matala ayaa haatan waxaa  soo kordhaya xogo dheeraad ah oo cadeeynaya in Maamulka Puntland gaar ahaan  madaxdiisa sare ay Qayb weyn ka ciyaareen in gobolada SSC loo gacan galiyo maamulka Daahir Riyaale.
 
 
Sababtu waa maxay?
 
Maamulka Puntland ayaa waxaa uu culeys baaxad weyn ah ka so fuulay dhinaca xukuumada kali taliska ee dalka Itoobiya oo ka cabaneysa in mamaulka Puntland uu ku guul dareysatay in uu wax ka qabto tuhun weyn oo ay Itoobiyaanku ka qabeen degaamada SSC gaar ahaan Laascaanood oo warar badan oo ay mukhaabaraadka Itoobiya u jooga Puntland ka gudbiyeen degaamada SSC iyaga oo ku doodaya in ay xafiisyo ku lee yihiin Magaalada Laascaanood Jabhada ONLF.
 
Cadaadiska Baaxada leh ee kaga yimid dhinaca Itoobiya ayaa sababay in Madaxada sare ee Puntland oo eegaya dantooda gaarka ah ka aqbaleen xukuumada Males in ay faaruqiyaan Magaalada Laascaanood taaso dhalisay in subaxnimadii Arbacada bishii October 15 2007 mar qura ka wada baxeen magaalada Laascaanood ilaa 70 tikniko ah oo Puntand ka joogay magaalada waxaana kalaintoodii soo buuxiyay laba tikniko ah oo ay wateen Cali Sandule iyo Xuseen Taarwale ka dibna ay galabnimadii dambe ay maleeshiyaadka gobolada Waqooyi ka soo guureen degaanka Xargaga iyagoo fadhiisin ka dhigtay halka Loo yaqaano Maraaga.
 
Mar haddii Madaxda Sare ee Puntland ka arimisa gaar ahaan kuwa sida rasmiga uga taliya sida Cadde Muse, Maxamed Cali Yuusf (Gaagaab) iyo Cali Cabdi Awaare ay ka aqbaleen Males in ay maleeshiyaadkooda kala Baxaan degaamada SSC yaa shacabka SSC u matala Puntland?
 
Yaa Shacabka SSC U Matala Puntland?
 
Puntland  waa maamul ku dhisan hab qabiil oo ay qabaailka Hartiga u badan ku qaybsadeen awooda Maamul ee Puntland.
 
Beesha Majeerteen Waxa ay maroorsatay hagaanka Sare ee Madaxweynaha,Beesha Dhulbahante Waxaa ku soo aaday Ku xigeen Madaxweyne halka Beesha Warsangali la siiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka, Saddexda awoodood ayaa ah kuwa isu dheelitaran o aan u shaqeyn qaab dawli ah balse u shaqeeya qaab hogaamiyo kooxeedyo isu tagay iyada o uu mid waliba isagu u madax banaan yahay waxa ka dhacaya gobolada ay beeshiisu degto.
 
Beesha Dhulbahante ayaa doorashidii 2005 ka dib ee ka dhacaday Puntland waxaa jagadoodii nasiib u yeeshay in uu qabto Xasan Daahir Maxamuud (Afqudhac) oo ka hor inta uusan Cadde Soo xulan ka soo kictimay Nairobi.
 
Afqudhac Qaabkee Ayuu Ku Soo Galay Siyaasada Somalida ?
 
Xasan Daahir Maxamuud (Afqudhac) waa nin aan wax badan ka aqoon siyaasada Somalida takhasusukiisuna waxa uu ahaa diyaarinta Mashaariicda Hay;adaha waxaana lagu tirayaa shaqsiyaadka tirada yar ee 18 sano ee la soo dhaafay ka waacinayay maamulka Hargeysa Cunida kaalmada Hay’adaha caalamiga ugu talagaleen SSC maadma uu diyaarin jiray Afqudhac mashaariic fara badan oo aanu mid ka mid ah waligii soo gaadhin gobolka Sool.
 
Afqudhac waxaa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii 2004 madaxweynaha Somalia Cabdilaahi yusuf ka waacinayay xaga turjumaada luuqada Ingiriiska xiligaas oo uu cabdilaahi u balan qaaday in uu xildhibaan ka dhigi doono balse taa bedelkeeda markuu Cabdilaahi uu ogaaday in Afqudhac yahay nin jilicsan oo aan sidaa xooga u saareynin danta dadkiisa  balse ku dadaale oo kaliya buuxinta jeebkiisa ayuu ku qanciyay Gen Cadde in uu ka dhigto ku xigenkiisa sidaasna uu ku fadhiistay kursigii beelaha SSC ay ku lahaayeen maamulka Qabiilka ku dhisan ee Puntland.
 
Xidhiidhka Afqudhac Iyo Maamulka Riyaale.
 
Afqudhac Xidhiidh toos ah lama laha Daahir Riyaale laakin waxaa uu si joogta ah ugu xiran yahay rag Riyaale ku dhawdhaw oo uu ka mid yahay Xildhibaan ka soo jeeda Gobolka Sool oo lagu magacaabo Dhakool ahaana ninkii abaabulay maleshiyaad laga qoray gudaha Laascaanood oo tagaeersanaa maamulka Riyaale isaga oo fasax ka haysta Afqudhac taana waxaa cadeyay Gudigii nabad galyada Gobolka Sool xiligii maamulka Puntland ka talineysay.
 
Waxaase la yaab leh in Afqudhac uu isaga oo qudha waramo halka raga soo waca aysan siin wax xog ah oo ku saabsan maamulka ay ka tirsan yihiin.
 
Aniga oo aan dooneyn in aan dib ugu laabto maclumaadkaas oo aan haatan ka hor soo bandhigay ayaa waxaan bal wax yar ka taabaneyaa lugooyada joogtada noqtay ee uu ku hayo Afqudhac Shacabka SSC iyo sida uu u kala fogeeyobeelaha SSC Afqudhac oo la tashi la sameya koox dhalin yara ah oo ilaashada oo kaliya qayilaadooda Laascaanoodna looga yaqaano “Garan Ley”.
 
1-     Afqudhac Waxaa uu Fasax u siiyay saddex masuul oo ka tirsanaa maamulka Riyaale in ay ka qortaan maleeshiyo beeleed isaga oo ku amray gudiga nabad galyada in aan lala hadlin ragaas ka socday maamulka Riyaale.
 
2-     Afqudhac si uu colaad Maxamuud Garaad iyo Faarax Garaad  u abuuro ayuu waxa uu dagaal iyo weerar joogta ah ku qaaday Xaabsade isaga oo ugu danbeyna ku qanciyay Odayga ka sareeya isaga in uu xilka ka qaado taaso aakhirkii sababtay in uu Xaabsde isu dhiibo maamul cadaw u ahaa ka dib markii goor aroor ah ay  boolis ka amar qaata Afqudhac ay ku soo weerareen aqalkiisa Laascaanood oo ay ku kalifeen in uu caga cadaan kaga carro .
 
 
3-     Afqudhac Waxaa uu amar siiyay ciidamda beelaha SSC ee ku sugnaa Jiida Gambadhe in ay san wax weerar ah qaadin subaxdii ay maamulka Waqooyi galbeed ku duuleen Degaanka Dhamasaar oo ay ka qafaasheen rag uu Deyr Xaaji Cabdi ka mid ahaa subaxaas ayaana ugu dambeysay Afqudhac in uu cag soo saaro degaanada SSC ka dib markii ay shiideen Shacabka Tukaraq oo ka carooday hadal ka soo yeeray Afqudhac kaaso ahaa “ Maxaad naga taqaaniin markaan doono Somaliland ayaan isu dhiibnaa” hadalkaana wuxuu yiri mar ay qof dumar ah weydiisay suaal ahayd "Madaxweyne soo ma ogid in Deyr la qafaashsay”.
 
4-     Afqudhac waxaa uu xooga saaray in uu kala dareeriyo maleeshiyo beeleedyo SSC ka soo jeeday iyo xooga uga yimid gobolada Mudug iyo Nugaal kuwaas oo uu aakhirkii kala diray ka dib markii ay waayeen wax taakula ah iska daa mid uu siiyee waxaa la yaab noqotay isaga oo afka u dhigtay xoogaagii yaraa ee ka so gaadhay jaaliyadaha SSC.
 
5-     Afqudhac Waxaa uu ku guuleystay in uu Curyaamiyo ka miro dhalinta go’aamadii Shirkii Boocame III isaga oo muddo lix bilood ah Isimada SSC ku maaweelinayay magaalada Garowe .
 
6-     Afqudhac Waxaa uu xanibaad ku sameeyay oo uu xareystay Gaadiidkii beelaha SSC qaarkood la soo degeen oo loogu talagalay dib u soo celinta Sool .
 
7-     Afqudhac Waxaa uu is hortaagay in aysan Ismada Dhulbahante ka bixin Garowe oo aysan ka tashan aayahooda isaga oo ka soo adeejiyay Wiilka Baarqabka ah ee booliska u qaabilsan Afqudhac Sayid Jaamac Cabdule  kaaso oo galabnimadii ay isimadu ka soo caraabayeen Garowe uu gaadhi tikniko ah ku horgooyay markii ay mareyeen kaantaroolka Garowe ugu dambeyna ku kalifay in ay isimadu ku hanjabeen in ay lugeynayaan ka dib markii ay ka daadageen gawaadhidii ay saarnaayeen.
 
Lama Soo koobi karo lugooyada uu Afqudhac ku sameeyay Degaamada SSC balse dad badani waxa ay is weydiinayaan maxaa hada cusub oo ku kalifay tafatirka Xargaga Online in ay soo badhigaan Qormooyinkan.
 
Maxaa Cusub Hadda?
 
Waxaa dhawaan ka ambabaxay xarunta Gobolka Cayn ee Buuhoodle Saraakiil ka soo jeeda Degaamada SSC oo ka soo laabtay Qurbaha si ay uga qayb qaataan dib u sifeynta Degaamada SSC ee Cadwga gacanta ugu jira kuwaas oo ka dib markii ay muddo bilooyin ah ku sugnaayeen magaalada buuhoodle oo ay isku duba rideen Ciidamo xoog leh oo ay ka dhiseen gobolkan ayaa ay  wada tashi ugu tageen Afqudhac iyo in uu ka qayb qaato maamulka Puntland taakuleynta ciidamada Gobolka Cayn .
 
Ka dib markii ay in muda ah gaaf wareegayeen duleedka aqalka Afqudhac madama lagu canaaday in ay dhaafaan ka dinka aqalka oo uu Afqudhac dhigtay koox dhalinyara ah oo ka soo jeeda jufadiisa hoose ayaa asbuuc ka dib fursad u heshay in ay la kulmaan Afqudhac maxaysae kala kulmeen?
 
Saraakiishan ayaa ula tagay Afqudhac Ajanda rasmi ah oo lagu soo celin karo deegaamada SSC ka dibna ku wargaliyay in uu ka maamul ahaan bixiyaan saadka ciidamada hase ahaate qorshahaa qurux da badan ee ay saraakiishu wateen ayaa noqday mid uu si weyn ugu anfariiray Afqudhac oo aan dooneyn in SSC laga saaro maamulka Riyaale.
 
Waxaana uu Afqudhac ku wargaliyay Saraakiisha in ay ciidamada keenaan Tukaraq,goobtaas oo ah goobtii uu haatan ka hor ka kala diray ciidamo beeleedkii ka soo jeeda gobolka Sool.
 
Waxa ay dad badani is weydiinayaan maxay tahay ujeedada ku qasab tay Afqudhac in uu yiraahdo xiligan oo aynu ka warqabno in loo soo guuxayo Gobolka Cayn uu yiraahdo hala soo faruqiyo gobolka.
 
Akhritayaasha Sharfta lahow waxaa ay Xargaga Online haysaa Cadeymo badan oo muujinaya in uu jiro xiriir qota dheer oo ka dhaxeeya Afqudhac iyo maamulka Riyaale waxase ay shabakadu idiin balan qaadi doontaa in ay qormooyin taxane ah idiin soo gudbiso oo aanu ku eegeyno dhaqaale uruursiga Afqudhac iyo mushaharaadka uu joogtada uga helo beelaha bari iyo galbeed ka xiga SSC.

xigasho: xargaga online
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net