|
(Allkheyraad)
:-Maalinimada
Berri ah ayaa la filayaa inay kulankii ugu weynaa ku yeeshaan magaalada
Kismaayo ee gobolka J/hoose waxgaradka beelaha ku dhaqan gobolkaas,
waxaana kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen
Xildhibaano uu hormuud u yahay Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale la
filayaa in looga hadlo xaaladaha ka jira gobolka gaar ahaan magaalada
Kismaayo iyo shaqaaqooyinka maalmahan ka soo cusboonaaday iyo waliba
dhinaca nabadgelyada oo la sheegay inuu faraha ka sii baxayo.
Xildhibaan Barre
Hiiraale oo ka hadlayay qabanqaabada kulanka ayaa Saxaafadda u sheegay
in kulankaasi waxyaabaha looga hadlayo ay ugu weyn tahay eedeyn ay kala
tirsanayaan 15-ka beelood ee ku dhaqan gobolka J/hoose, wuxuuna
tilmaamay in eedahaasi inta badan loo soo jeediyo beelaha Daarood ee
halkaasi ku nool, "Beesha eedda loo tirinayo kulanka berri dhacaya way
ka soo qeyb galeysaa, miiska ayayna soo saaraneysaa waxa ay heyso iyadoo
diyaar u ah inay wixii gar ah la timaado meesha" ayuu yiri Xildhibaan
Barre Hiiraale.
Sidoo kale
kulamo hordhac ah oo shalay ay yeesheen qaar ka mid ah beelaha ku dhaqan
gobolka J/hoose ayay ku sheegeen inay magaalada Kismaayo ka jiraan
tacadiyo loo geysanayo beelaha degan qaarkood, iyagoo tilmaamay in
haddii maamul goboleed la sameynayo loo baahan yahay in meesha laga
saaro tashwiishyada ku kala jira beelaha degan gobolka.
C/qaadir Xaaji
Axmed Waldiire oo ka mid ahaa waxgaradkii ka qeyb galay kulankaasi ayaa
sheegay in loo baahan yahay waxa ka socdaahi magaalada Kismaayo inaanay
ahayn wax loo dulqaadan karo, taasoo uu sheegay in maleeshiyooyin ka soo
jeeda sida uu sheegay hal beel oo degan Kismaayo sidii ay doonto ka
yeesho maamulka, marna ammaanka khalkhal geliso, marna iyadu wixii
dhaqaale ah ee ay doonto iska qaadato, sidaas darteedna loo baahan yahay
in la sameeyo maamul guud oo loo dhan yahay
Xafiiska Wararka allkheyraadOnline
Muqdisho - Soomaaliya
www.webmaster@allkheyraad.com
Ku Laabo |