Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Xalay abaara 4:30 saqda dhexe habeenimo waxaa magaalada Muqdisho ka curtay roobab u da’day oo lagu diirsaday waxyeelana lahayn, kuwaasoo aan waxyeelo geysan, waxaana jawiga magaalada Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay aad u kululaa uu isu bedelay mid qabow ah.

Roobabka xalay ka da’ay magaalada Muqdisho kuma magaalada oo kaliya, waxayna sidoo kale ka da’een hareeraha magaalada sida Degmooyinka Balcad iyo Afgooye, taasoo ay aad ugu farxeen isla markaana u riyaaqeen dadka beeraleyda iyo xoolaleyda degaanadaasi ku dhaqan.

Dhinaca kale iyadoo xilli roobaadka gu’ga uu ka soo dib dhacay wakhtigii la filayay ayaa arrintaasi waxay saameyn ku yeelatay dhulka baadiyaha sida gobolada dhexe iyo kuwa Koofureed oo dadka iyo xoolaha ay saameyntii ugu weyneyd ku yeelatay roob la’aanta
.
 

madaxey :-weriyaha
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net