Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Booyad biyaha u qaada Ciidamada Itoobiya isla markaana ka tagtay Garoonka Kubadda cagta Stadio Muqdisho kuna sii jeeday degaanka Carafaat isla Degmada Yaaqshiid halkaas oo fariisan u ah Ciidamada Itoobiya ayaa saaka lagu gubay Isgoyska Miisaanka Dhuxusha ee Xaafadda Towfiiq.

Kooxaha Kacdoonka ka wada Somaaliya ayaa Jidgooye ku sameeyay Booyadaas Biyaha qaada iyadoo ay Booyadda la socdeen Ciidamo Ilaalinayay kuwaas oo rasaas is dhaafsaday kooxihii Booyadda weeraray.

Haweenay Goobjoog ahayd oo ku sugnayd meel aan sidaas uga fogeyn Isgoyska Miisaanka Dhuxusha ayaa waxay sheegtay inay aragtay Booyadii oo gadaal Baasuuko ka qabsaday oo dab ka qaxayay.

Sidoo kale Ciidamadii la socday Booyadaas ayaa wararka waxa ay sheegayan inay soo gaareen khasaarooyin in kastoo aan la hubin dhinaca kooxaha Kacdoonka wada.

Iska hor imaadka oo socday muddo nusa saac ah ayaa istaagay abaarihii 2 saac iyo bar, wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Garoonka Stadio Muqdisho isku ballaariyeen Xaafadda Towfiis.

Dadweynaha Xaafadda degan ayaa waxay bilaabeen inay isaga baxaan aqaladooda iyagoo ka baqaya in ay galaan gacanta Ciidamada Itoobiya
 

madaxey :-weriyaha
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net