Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Ururka Al Shabaab ayaa sheegay in ay Beegsanayaan Muwaadiniinta Mareykanka u dhashay xitaa hadii ay yihiin Samafalayaal kadib markii ay dhawaan ciidamada Mareeykanka Duqeyn ku dileen hogaamiyihii Ururkaas Marxuum Aadan Xaashi Ceyrow xilli uu ku sugnaa guri ku yiilay Magaalada Dhuus Mareeb ee Gobolka Galgaduud Bartamaha Soomaaliya.

Afhayeenka Al shabaab Sheekh Muqtaar Roobow (Abbu Mansuur) ayaa sheegay in ay dilayaan Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan meel ka mid ah dalka Soomaaliya xitaa haddii ay yihiin waa sida uu hadalka u dhigay Saxafiyiin,Samafalayaal iyo shaqsi caadi ah.

“Mareykanka ma uusan kala saarin dadka Islaamka ah, anagana kalama saari doono Mareykanka meeshii aynu ku aragno ayaan ku dili doonaa”ayuu yiri Sheekh Abuu Mansuur

Hadalka ka soo yeeray afhayeenka Shabaab ayaa waxaa uu yimid Maalmo kadib markii Mareykanka duqeyn ku dileen ninka sida weyn Mareykanka u tuhunsan yihiin inuu xiriir la lahaa Al Qaacida Aadan Xaashi Ceyrow

madaxey :-weriyaha
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net