Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) ayaa si kulul uga jawaabay hadal shalay ka soo yeeray kuxigeenka Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya ahna Wasiirka Warfaafinta Axmed C/salaam Aadan hadalkaas oo ahaa in Dowladda Federaalka qorsheynayso in Maamul cusub u sameyso Gobolka Banaadir

Waxaa uu sheegay Maxamed Dheere oo hadalkaas ka jawaabay in Axmed C/salaam Wasaaraddiisu wax xafiis ah ku lahayn Magaalada Muqdisho isla markaana sidoo kale wax shaqo ah ku lahayn Maamul loo sameeyo Gobolka Banaadir

“In wax la isku qaldo ma aha Maamul sameyn waxaa shaqo ku leh Wasaaradda arrimaha gudaha”ayuu sii raaciyay Maxamed Dheere

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa kaloo uu sheegay in maamul hadii ay dooranayaan Shacabka Muqdisho oo uu isku soo sharaxayo doorashada uuna xaq u leeyahay in uu isku sharaxo, waxaana wacad uu kumaray hadii uu isa soo sharaxo la dooranayo

madaxey :-weriyaha
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net