Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Waxaa soo baxaya in is jiid jiidka Siyaasadeed ee ka socda Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti una dhaxeeyo kooxaha Soomaalida ay ku lug leeyihiin dalalka Ereteriya, Qadar oo la safan Isbaheysiga Dib u xoreynta iyo Itoobiya oo gadaal ka taagan Wafdiga Dowladda ka socda.

Ilo Wareed ku sugan Jabuuti ayaa waxay sheegayan in lagu arkay Hotelka ay degan yihiin Wafdiga Isbaheysiga Safiirka Qadar oo halkaas ku meeraysanaya.

Lama oga waxyaabaha sababay in dalalka Ereteriya iyo Qadar ku dadaalan in labada dhinaca Soomaalida kala fogaadan, iyadoo Itoobiyana ay cayaarayso kaalin ay ku fogaanayaan Xubnaha Dowladda.

Haddii dib loo eegana xiriirka 3 daas Xukumadood ka dhaxeeya waxaa waaye, Itoobiya iyo Ereteriya waxaa ka dhaxeeya colaad fogaatay oo la is dhihi karo waa ay adag tahay in mar dambe wanaag dhex mara.

Itoobiya iyo Qadarna maba isku wanaagsana, dhawaan ayay ahayd markii Dowladda Itoobiya xiriirkii u jartay Qadar iyadoo ku eedeysan in Qadar ay maalgeliso mucaaradka Itoobiya.

Sidaas darted dantii Shacabka Soomaalida waxay ku dhex dhuntay 3 daas Dowladood oo murankii ka dhaxeeyay u soo wareejiyay Soomaaliya
 

madaxey :-weriyaha
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net