|
(Allkheyraad)
:-Gudoomiyaha Isbahaysiga Dib U
Xoreynta Soomaalya Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa Shaaca ka Qaaday In aysan
Wax Wadahadal ah La Galayn Wafuuda Ka Socota Dowladda FKMGS Ee Ku Sugan
Jabuuti Islamarkaana ay U Aqoonsanyihiin n Dad Cadaw Gacanta U Galiyay
Umadii Soomaalyeed.
Sh.Shariif ayaa Sheegay In ay Iyagu Kulankaan Lagu Wado In Uu Ka Dhaco
Jabuutu ay Ku Balansanaayeen In ay La Kulmaan United Nation ka balse
aysan Marnaba Iyagu Diyaar U ahayn In ay La kulmaan In Dad aanan
Afkaartooda Xor U Ahayn.
Gudoomiyaha ayaa Sidoo Kale Sheegay Hadii ay Beesha Caalmku Isku Daydo
In ay Balan Kabaxyo Ku Sameeyaan Qaabka Loo Balamay In ay Iyaguna Isaga
Laabanayaan Goaanadii Lagu Heshiiyay.
Hadalkaan Sh. Shariif ayaa Isagu Soo Baxay Xili ay Magaalada Jabuuti
Gaareen Wafuudii Uga Qeyb Gali Lahayd Dowladda FKMGS Shirkan Oo Ka
Kooban Sagaal Xubnood.
Dhanka Kale Wafuud Ka Socota Ururka Dib U Xoreynta ayaa Iyaguna Soo
Gaaray Magaalada Jabuuti halkaa oo ay Ka Socoto Qaban Qaabo Balaaran Oo
Lagu Diyaarinayo Goobaha ay Wadahadaladu Ka Furmi Lahyeen.
Horey ayaa Shirkaan Waxaa U Qaadacay Dhaq Dhaqaaqa Hubeysan ee Xarakada
Al Shabaab Iyagoo Ku Adkeeysanaya In aysan Marnaba Diyaar U ahayn In ay
Wadahadal Galaan Inta uu Askari Ethiopian ah Ku Sugan Yahay Dalka
Soomaaliya.
madaxey :-weriyaha
Ku Laabo |
|
Copyright © 2006-07
Allkheyradka--design:- Bashka |
|
|