|
(Allkheyraad)
:-Shirkii madaxda dalalka AU:da ayaa shalay
ka furmay magaalada Sirta e dalka Liibiya. Shirkaas oo looga hadlaayey
mideynta dalalka Afrika iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatoyinka
waaweyn ee Afrika sida saboolnimada, dagaalada, aqoonyaridda iyo
cuduradda.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay madax kale oo ay kujiraan
ninka madaxa ka ah jaamacadda carabta Caamir Muusa, waxaa kaloo joogay
madaxweynaha dalka Brazil Silva Lulla iyo madax kale oo kasocotay EU:da.
Madaxdii Afrikaanka ee shirka ka muuqday waxaa kamid ahaa madaxweynaha
Zimbabwe Robert Mugabe iyo hogaamiyaha ANC ee dalka koonfur afrika Jacob
Zuma iyo madaxweynaha Suudaan Cumar Al Bashiir.

Sidoo kale waxey aheyd markii ugu horeysay oo shirka AU:da lagu casumo
dadka madaxda u ah bulshaweynta Afrika oo ah madax dhaqameedka sida
Boqoradda iyo Salaadiinta.
Boqor C/laahi ayaa qoraal u gudbiyay forumka salaadinta Afrika,
qoraalkaas oo diiradda lagu saarayey xaladda guud ee soomaaliya ee
cakiran. Qoraalka boqorka wuxuu ku nuux nuuxsaday baahidda weyn ee loo
qabo in lasoo celiyo awoodii odayaasha dhaqanka gaar ahaan meelaha
dhibaatada kajirto ee Soomaaliya.
Hogaamiyaha dalka Liibiya ayaa wuxuu siiyey dowr weyn odayaasha dhaqanka
Afrika, iyadoo laga bilaabayo iney odayaasha dhaqanka iyo hogaamiyaasha
dalalka Afrika si wadajir uga qeybgalaan shirka AU:da markii ugu
horeysay.
Dhanka kale wuxuu Boqorka la kulmay jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka
Liibiya iyagoo usoo gudbiyay iney dhibaatoyin badan qabaan, oo ay kamid
tahay iney xabsiyadda kujiraan dad soomaaliyeed oo gaaraya labo kun oo
qof.



Allkheyraad
online
Ku Laabo
|