Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inay dagaal la geli doonto Kooxaha Mucaaradka ee ka soo horjeeda, iyadoona cadeysay in dib u soo ceshan doonto goobaha ay Mucaaradka ka heystaan.


Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo Wariyeyaasha kula hadlayay Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in Dowladdiisa ay dagaal diyaar u tahay inay dagaal la gasho Kooxaha Mucaaradka.

Waxaa uu sheegay in Qolyaha Mucaaradka aan wax wada hadal ah la yeelan doonin ilaa ay hubka ka dhigayaan, waxaana uu adkeeyay in Dowladda ay dagaal u diyaar garowday, taasoo ah wadada kaliya ee Mucaaradka lagu caabin karo sida uu yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa hada Magaalada Muqdisho kaga sugan goobo cayiman oo kooban, waxaana dagaalo ay todobaadyadii u dambeeyay la gashay Mucaaradka ku lumisay fariisimo muhiim ah oo ay ku laheyd Magaalada Muqdisho.

Laakiin hadalkan ka soo yeeray Ra'iisul Wasaaraha ayaa wali muuqan tabaabusheysi ay Dowladda ugu jirto inay dib u soo ceshato meelaha laga qabsaday, bedelkii ay ciidamada Dowladda qaarkood wadaan inay ka gadoodaan oo ay ku biiraan kooxaha kale ee ka soo horjeeda

Allkheyraad online
Ku Laabo

 

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top History

Ku Naso abwaan jama kadiye

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net