(Allkheyraad)
:-Guddoomiyaha
Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose ayaa markii ugu horeysay ka hadlay afduub
ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha oo ka tirsan degaanada maamulkiisa
hoos yimaada, iyadoo muddo saddex cisho ah laga joogo markii degaanka
Ceelasha Biyaha lagu qafaashay madaxa hay'adda UNHCR xafiiskeeda
Muqdisho lagu qafaashay halkaasi.
Md. C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur Guddoomiyaha
Gobolka Sh/hoose oo galabta casir liiqii shir Jaraa'id ku qabtay Hotelka
Saxafi ayaa si caro ku jirto u yiri: "Gacan bir ah ayaan ku qaban doonaa
kooxaha caadeystay inay faduubtaan shaqaalaha gargaarka", isagoo ka
hadlayay maamulkiisa tallaabada ku haboon ee uu ka qaadanayo ayuu
sheegay in maalmaha soo socda ay adkeyn doonaan ammaanka degaanada uu
maamulkiisa ka taliyo.
Dhinaca kale Md. C/qaadir Sheekh Nuur waxaa
kale oo uu ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dhinaca nabadgelyada
gobolka uu ka taliyo maamulkiisa, hase yeeshee Guddoomiyaha ayaa qiray
in maalmihii ugu dambeeyay degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose ay ka
jireen xaalado aan wanaagsaneyn iyo dilal loo geysanayo dadka rayidka
ah.
Xafiiska
wararka Allkheyraad.com
Muqdisho - Soomaaliya
Allkheyraad
online
Ku Laabo |