|
(Allkheyraad)
:-Maanta
Magaaladda Nayroobi waxaa ka dhacay shir ay yeesheen Jaaliyadda
Soomaalida ee Kenya ku dhaqan iyo Isbahaysiga dib u Xoraynta Soomaaliya
oo loo yaqaan Isbahaysigii Casmara.
Shirkaas oo ay ka hadleen Madax badan oo ay mid ahaayeen guddoomiyaha
Golaha dib u Xorayta Soomaaliyeed Sheekh shariif Sheekh Axmed iyo
guddoomiyaha Golaha ee ururkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Waxaa kale oo ka mid ahaa madaxdii halkaas ka hadashay Maxamed Cabdi
Yuusuf, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo odayaal iyo waxgarad ka tirsan
Jaaliyadda Soomaalida ah ee ku dhaqan Kenya.
Mar uu ka hadlayay Sheekh Shariif u jeedada kulankaas wuxuu sheegay inay
muhiim tahay in ummadda Soomaaliyeed loo bayaamiyo heshiiskii dhawaan
isbahaysigooda iyo dowladda Ku-meel-gaarka ahi ku saxiixdeen Jabuuti.
Waxaanu u maqnayn ummadda Soomaaliyeed si dalkeena looga
saaro Itoobiya, dalkana loo nabadeeyo oo dadka soomaalida ah ee meel
walba ku dhibaataysan dhibta looga saaro, anagoo meelo badan wax ka
fiirinay waxaan u soo qaadnay Nabad iyo wadahadal iyo diblomaasiyad in
la isticmaalo waqtigaan " ayaa ka mid ahaa hadaladdii
aftahamadu ku dheehnayd ee Sheekh Shariif ka jeediyay xafladdii maanta.
Sheekh Shariif oo mar durayay dhaqamada Soomaalida ayaa yiri,"
Bal horta waxaa is waydiin ah maxaa soomaalidu marka dagaal la
iclaamiyo durbaanka colaadda u yeeriyaan marka Nabad lagu baaqana ay
aamusaan?".
Weedhan oo odayaal badan oo Soomaalida Nayroobi ku nooli kaga jawaabeen
si qiiro leh inay taageersan yihiin hannaanka iyo mowqifka cusub ee ay
la yimaad een madaxda Isbahaysiga dib u Xoraynta Soomaaliyeed.
Mar Cabdiraxmaan cabdishakuur la waydiiyay su'aal ahayd " Goormay dhaqan
galaysaa xabbad joojintii lagu saxiixay heshiiska, wuxuu sheegay in
xabbad joojintaas ay dhaqangali doonto bil gudaheed marka bishaan
dabayaaqaddeeda si rasmi ah heshiiskaan loogu saxiixo Magaalada
Barakaysan Makka ee Sacuudi Careebiya.
Isku soo duuboo xafladdii maanta waxay ahayd mid Ummada Soomaaliyeed ee
ku dhaqan Nayroobi ay si hagar la'aan ah u soo dhaweeyeen heshiiskii
dhawaan ay wada-galeen DFKM iyo Isbahaysiga dib u xoraynta inkastoo ay
jiraan dad ka biyo diidsan hishiiskii ka dhacay Jabuuti.Allkheyraad
online
Ku Laabo |
|
Copyright © 2006-07
Allkheyradka--design:- Bashka |
|
|