Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay sheegtay in toddobaad gudahiisa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu dilay in ka badan 40 ruux oo rayid ah.

Xafiiska u qaabilsan dhanka isku xirka gargaarka Bini'aadanimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in warbixin Asbuuceedkii uu soo saaray lagu ogaaday in tiro ka badan 20 qofood ay ku geeriyoodeen maalintii khamiista Magaalada Muqdisho sida warbixinta lagu sheegay kadib markii ciidamada Itoobiya, kuwwa Dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda dagaalo culus dhex mareen.

Hay'ada Care International ayaa waxaa ay sheegaysa inay ka fiirsan doonto ka shaqeynta shaqaalaheeda gudaha Soomaaliya kadib markii lagu afduubtay Soomaaliya shaqaale hay'adaas u shaqeeya

Xaalada Bini'aadanimo ee ka jirta dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay tahay mid ka sii dareeysan iyaadoo ay jiraan dad ku dhaw Sedex milyan iyo Bar oo la saadaalinayo in ay u baahan doonaan gargaar bini'aadanimo sanadkani hadii ay xaalada ka jirta dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ay sidan ku sii socdaan dagaalada ka jira
 

Allkheyraad online
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net