|
(Allkheyraad)
:-Dowladda federalka Soomaaliya ayaa shaaca
ka qaaday in ay wado dadaalo diblomaasiyadeed kuwii ugu xooga badnaa oo
la doonayo in beesha caalamka looga dhaadhiciyo ciidamo nabad ilaalineed
oo caalami ah si deg deg ah in ay ugusoo dirto Soomaaliya iyo in ay
gacan hagar la’aaneed ku yeelato sidii dhaqso meel mar looga dhigi lahaa
qodobadii taariikhiga ahaa ee lagula heshiiyay dalka jabuuti dhawaan.
Isagoo ka hadlayay xarunta uu ka soconayo shir weynaha wasiirada
arrimaah dibada dalalka Islaamka ee magaalada campala ee dalka Uganda
ayaa wasiirka arrimaha dibada dalka Soomaaliya cali Axmed Jaamac Jengeli
waxaa uu Idaacada VOA-da qeybteeda afka Englishka u sheegay in dowladda
Soomaaliya ay si lixaad leh ugu dadaaleyso ciidamo naabd ilaalineed
sidii Soomaaliya dhaqso loogu soo daad gureyn lahaa.
“Waxaa kaloo aan beesha caalamka ku qal qaalienynaa in ay juhdi aad u
weyn ku bixiso sidii heshiiskii lagu gaaray Jabuuti 9-kii bishan dalka
oo dhan looga hir gelin lahaa”ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda dalka
Soomaaliya Jengeli.
“Waxaan fileynaa in dalalka ku jira ururka IOC,Qaramada Midoobay gaar
ahaana xubnaha golaha amaanka iyo caalamka oo dhamiba ay nala gartaan
muhiimada ay leedahay in ciidamo deg deg ah loo soo diro
Soomaaliya,taasina waa rajeyneynaa in ay dhacdo”ayuu hadalkiisa sii daba
dhigay wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Jengeli.
Dalka Soomaaliya waxaa hada jooga ciidamo ka socda Midowga afrika oo aan
dhameyn 3000 oo askari,waxaana lagu wadaa in muddo 4 bilood gudohood ah
dalka Soomaaliya lagu soo daad gureeyo kuwii ugu horeeyay ciidamo
gaaraya 26,000 oo askari oo qaramada midoobay ay ugu tala gashay
nabadeynta SoomaaliyaAllkheyraad
online
Ku Laabo |
|
Copyright © 2006-07
Allkheyradka--design:- Bashka |
|
|