|
(Allkheyraad)
:-Cutubyo ka tirsan ciidamada
Milateriga Itoobiya ayaa xalay gebi ahaanba isaga baxay gudaha magaalada
B/Weyne ee gobolka Hiiraan, waxaana ciidamada Itoobiya oo xalay saq
dhexe alaabadooda ka rartay saldhigga magaalada B/Weyne, iyadoo goob
joogayaal u waramayay Shabakadda Sahan Media ay sheegeen in ciidamadaasi
ay si nabad ah u baxayeen isla markaana aanay la kulmin wax shaqaaqo ah.
Wararka ka
imaanaya magaalada B/Weyne ayaa intaasi ku daraya in ciidamada
Itoobiyaanka ee ka baxay gudaha magaaladaasi inay ku biireen ciidamo
kale oo ku sugnaa degaanka Janta Kundishe ee duleedka magaalada B/Weyne.
Dhinaca kale waxaa socda dadaal
ciidamada Itoobiyaanka uga baxayaan dhammaan degaanada gobolka Hiiraan,
iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in ciidamada Itoobiyaanka ku wada
sugan degaanka Janta Kundishe ay isaga baxayaan gebi ahaanba gobolka
Hiiraan, kuwaasoo la sheegay inay maanta ka tallaabayaan xuduudka
Soomaaliya, iyagoo sii maraya Kala beyrka, hase yeeshee lama oga wararka
rasmiga ah ee ku saabsan dhaqdhaqaaqooda.
Xafiiska
Wararka Allkheyraad Online News
Muqdisho -
Soomaaliya
Allkheyraad
online
Ku Laabo |