(Allkheyraad)
:-Madaxweynaha
dalka South Afrika Mr.Tabo Mbeki ayaa hadal uu u jeediyay dadka u
dhashay dalkaas, isagoo si faahfaahsan uga hadlay shaqaaqooyinkii
dhowaan ka dhacay oo uu sheegay inay tahay taariikh madow oo soo martay
dalkiisa, isagoo muwaadiniinta dalkiisa ka dalbaday inay kahortagaan
kuwa abuuraya nabadgelyo xumida.
Mar uu ka hadlayay bililiqada loo geystay
ajaanibta ku nool wadanka K/Afrika, waxa uu sheegay Madaxweyne Mbeki in
arrintaasi ay tahay mid laga xumaado, isla markaana waxa uu ku adkeeyay
waaxyaha nabadgelyada qaabilsan ee xukuumadiisa inay iyagu xil gaar ah
iska saaraan guud ahaan xasiloonida dalka.
Dhinaca kale Madaxweynaha dalka K/Afrika
Mr.Tabo Mbeki ayaa sheegay in Soomaalida ku nool dalkaasi uu uga
tacsiyeynayo dhibaatadii soo gaartay, gaar ahaan ganacsatadii ka soo
gaartay bililqadii loo geystay goobahooda ganacsiga, wuxuuna
Madaxweynaha markan hadal kulul u jeediyay guddiga degmooyinka xaafadaha
dalka K/Afrika isagoo sheegay inuu si gaar ah tallaabo uga qaadayo
guddiga markaas maamula.
Meeshii dhibaato loogu geysto Soomaalida ku
nool dalkaas waxaa mas'uul ka ah guddiga maamula xaafadii ay dhibaato ka
dhacdo, waana lala xisaabtami doonaa" ayuu yiri Madaxweynaha oo dhinaca
kale sheegay in arrimaha nabadgelyada ay dowladiisu wax weyn ka qaban
doonto, wuxuuna dhinaca kale hadal gaar ah u jeediyay muwaadintiinta
dalkaasi uu ku booriyay inay ka shaqeeyaan sidii dalkooda
nabadgelyadiisa ugu shaqeyn lahaayeen, "Wadankiina
Xafiiska
wararka Allkheyraad.com
Muqdisho - Soomaaliya
Allkheyraad
online
Ku Laabo |