Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Sarkaal ka tirsan hay'adda UNHCR ee qoxootiga ayay rag hubeysan ku afduubteen duleedka Muqdisho, iyadoo wararka hordhaca ah ee soo baxaya ay sheegayaan in kooxaha afduubtay ay la aadeen dhanka Muqdisho.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in sarkaalkaan oo lagu magcaabo Xasan Max'ed Cali ay kooxo hubeysan kala baxeen gurigiisa oo ku yaalla duleedka Muqdisho [Ceelasha Biyaha], isla markaasna la watay.

"Lix nin oo hubeysan ayaa guriga ugu dhacay Xasan, lamana yaqaan goob ay ula dhaqaaqeen" sidaa waxaa saxaafadda u sheegay mid ka mid ah ehellada sarkaalkaan ku dhacay gacanta afduubayaasha.

Sarkaalad u hadashay hay'adda qoxootiga caalamka oo lagu magacaabo Mr. Millicent Mutuli, ayaa sheegtay in Mr. Cali la afduubtay, balse aysan ilaa iyo hadda hayn goob ay la aadeen kooxaha hubeysan.

"Waxaan helnay warar sheegaya in madaxii Hay'adda Qoxootiga Caalamka ee Muqdisho uu ku dhacay gacanta kooxo aan la garanayn" ayay mar kale u sheegtay saxaafadda Mss. Millicent Mutuli

Afduubka sarkaalkaan ayay ku sheegtay afhayeennada u hadashay UNCHR inuu ahaa mid qorsheysan, balse aysan si dhab ah u sheegi karin sababta loo afduubtay madaxoodii Muqdisho.

Toddobaadyo ka hor ayay ahayd markii lagu afduubay Somalia shaqaale ka tirsan Hay'ad ka shaqeysa beeraha oo laga leeyahay dalka Talyaaniga, iyadoo weli la haysto shaqaalahaas isla markaana aan la garanayn goob lagu haysto.
Falalka afduubyada la xiriira ayaa kusoo badanaya Somalia, iyadoo hay'adaha gargaarka ay ka cabanayeen muddooyinkii ugu dambeeyay ammaandarro ay howlahooda ka wadan la'yihiin

Allkheyraad online
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net