(Allkheyraad)
:-Nin si weyn Looga yaqaanay Magaalada marka
ee xarunta Gobolka shabeelada Hoose ayaa habeenkii Xalay Loo gaystay Dil
iyadoo Dilkaasina Loogu gaystay falaadh islamrkaana lagala Beegsaday
wadnaha isagoo xiligaasina Kasoo baxayey sida ay saxaafada U xaqiijiyeen
dad Eheladiisa ah Masjid Ku yaala Xaafada Buulo Jaan oo aan sidaa Uga
dheerayn Hoyga Uu deganaa .
Marxuumka Oo Magaciisa la Yiraahdo Nuur
Madeey ayaa ahaa Nin Kamid ah dadka xoogsadaha ah islamrkaana deegaanka
marka si weyn Looga yaqaanay islamrkaana Mudooyin fara badan joogay
Magaaladaasi waloow ah la Ogayn sababta ka dambaysa dilkiisa iyo weliba
Cida dishayba.
Sidoo Kale Dad Kamid ah Ehelkiisa oo
saxaafada Uga warbixinayey dilka Marxuumka ayaa sheegay In marxuumka
Nuur maadeey Lagu diley falaar islamrkaana Uu Xiligaasi kasoo baxayey
masjidka Al-suna ee xaafada Buulo Jaan ee degmada marka islamrkaana
aysan Aqoonsan Qofka dilkiisa ka dambeeya xiliga Oo Habeen ahaa Dartiis
.
Si kastaba Ha ahaatee waa markii Ugu Horaysay
ee Uu Ka dhaco degmada marka Dil Noocan oo kala ah Oo loo adeegsado
falaadh Iyadoo ay magaaladaasina ka dhacaan Mararka qaarkood
shaqaaqooyin U dhexeeya beelo wada dega halkaasi Oo ay U dhexeeyaan
aanooyin Qabiil oo is Ugaarsi ah .
Allkheyraad
online
Ku Laabo |