Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Md. Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo ah K/Xigeenka Duqa magaalada Muqdisho ee dhinaca arrimaha bulshada ayaa maanta kormeer ku sameeyay qaar ka mid ah xerooyinka dadka soo barakacay ee magaalada Muqdisho ku yaala, waxa uu eedeyn u jeediyay hay'adaha samafalka, kuwaasoo uu sheegay in dhaqaalaha ay ku qaataan magaca ummadda Soomaaliyeed aanay waxba ku qaban.

"Waxaan ka xumahay in hay'adihii magaca shacabka Soomaaliyeed dhaqaalaha ku qaatay aanay waxba u qaban dadka taagta daran ee ku nool magaalada Muqdisho" ayuu yiri K/Xigeenka duqa magaalada Md. Maxamed Cali Cusmaan (Dhagaxtuur) oo dhinaca kale ugu baaqay hay'adaha UNICEF iyo ICRC inay dadkan soo barakacay ay la soo gaaraan gurmad dhinac kasta ah oo uu sheegay inay iminka xaaladoodu aad u liidato ayna u baahan yihiin in si degdeg ah loola soo gaaro.

Xerooyinka uu maanta booqday mas'uulkan ka tirsan maamulka G/Banaadir waxay gaarayaan ilaa Lix Kaam oo ku yaala degmooyinka ka tirsan magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay K/Xigeenka Duqa magaalada in qoysaskii ku noolaa kaamamkaasi ay waxyeelo aad u weyn ka soo gaareen roobabka ka da'aya magaalada Muqdisho maalmahan.

Dhinaca kale waxa uu sheegay Md. Dhagaxtuur in roobabkii ka da'ay magaalada Muqdisho ay geysteen qasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur guryo cooshado ka sameysan, isagoo ka dalbaday dhammaanba shacabka Soomaaliyeed haday ahaan lahayd ganacsatada iyo kuwa dhaqaalaha leh inay u soo gurmadaan walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan magaalada Muqdisho.

Booqashada maamulka G/banaadir ee maanta uu ku tegay xerooyinka ay degan yihiin dadka soo barakacay ayaa ku soo beegmeysa iyadoo maanta ay tahay maalinta qaxootiga Adduunka oo ku beegan 20-ka Juun, iyadoo guud ahaan dalka intiisa kale ay ka jiraan barakac kii ugu weynaa, bacdamaa ay ka jiraan dagaallo sokeeye iyo kuwo u dhaxeeya Dowladda Federaalka mucaaradka ka horjeeda

Allkheyraad online
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net