|
|
|
(Allkheyraad)
:-Guddoomiyaha
Ururka Xisbul Islam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta kadib salaadda
Jimcaha ka khudbeenayay masjidka Abaa-hureyra ayaa waxa uu ka hadlay
khilaafka soo kala dhex galay Kooxaha Mucaaradka ah.
Waxa uu sheegay Sheekh Xasan Daahir in iminka aanu habooneyn khilaaf iyo
dagaal in uu soo kala dhex galo kooxaha dagaalyahannada ah taasi haddii
ay dhacdana waxa ay dhibaato ku tahay wax uu ku sheegay Mujaahidiinta.
Sidoo kale Sheekh Xasan Daahir ayaa ka sheegay Masjidka Abaa-hureyra in
xilligani ay haboon tahay in ay iskaashadaan Dagaalyahanka cadowga la
diriraya oo aanu aheyn in ay iyagu isku soo jeestaan.
“Waa in la is walaashadaa, la is kaashadaa, safka la isla galaa, ma ahan
in la kala qeybsamo oo la iskhilaafi sidaasina cadow uu kaga faa’ideysto
Dagaalyahankuna sidaasi dhibaato uga dhex bilaabato” ayuu yiri Xasan
Daahir Aweys.
Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu sidoo kale sheegay in dhibaatooyin ay
ka soo gaaraan dadka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho
xiliyada ay dhibaatooyinka ka dhacaan dhinacyada isku haya wadanka
Soomaaliya isagoo dhankooda raali galin ka bixiyay.
Waa markii ugu horeysay oo Xasan Daahir maanta uu ka khudbeeyo Masjidka
Abaa-hureyra kadib markii khilaafka gacan ka hadalka dhaliyay uu dhex
maray Xisbul Islam iyo Alshaba
Allkheyraad
online
Ku Laabo |
|
Copyright © 2006-07
Allkheyradka--design:- Bashka |
|
|