Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Wafdi uu hoggaaminayay Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray maanta gaaray Magaalada Baydhabo iyadoo ammaanka Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha aad loo adkeeyay

Nuur Cadde iyo xubnihii la socday ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Soomaaliya

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee jooga Baydhabo ayaa waxay xireen dhamaan waddooyinka ku dhaw dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo.

Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde markii uu tagay Magaalada Baydhabo waxaa uu halkaas kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyagoo ka wada hadlay xaaladaha dalka gaar ahaan waajibaadka Dowladda ka saran yahay sugidda ammaanka dalka

Ka hor intii uusan tagin Magaalada Baydhabo Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa magaalada ka dhacay Qarax aad u weyn oo ay ku dhinteen in ku dhaw 15 ruux iyadoo qaraxaas lala beegsaday askar Itoobiyan ah

madaxey :-weriyaha
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net