(Allkheyraad)
:-Tuulada Buurawadal oo hoos taga degmada
boocame ee gobolka sool una jirta magaalada Garoowe 30Km dhinaca
Laascaanood uga aadan ayaa maanta laga qotomiyey Riig biyo baadhis ah
iyadoo uu dhulkaasi ahaa dhul aad ugu nugul abaaraha oomanena u badanaa
sanadihii la soo dhaafay.
Ceelkani oo bilaabistiisa uu xadhiga ka jaray madaxwene ku xigeenka
Maamulgoboleedka Puntland isla markaana ah kusimaha Madaxweynaha Xasan
Daahir Maxamuud ayaan wax weyn ka bedelin dareenka dadka iyadoo ay dadku
jeclaayeen biyaha oo soo baxa inuu furo.*
Maaha ceelkii ugu horeeyey ee laga bilaabo aagaas balse Faliidhyaale oo
labaataneeyo kiiloomitir galbeed ka xigta ayaa sanadkii 2006dii lagu
guul daraystay in biyo laga soo saaro
C/laahi Cali Xirsi Wasiirka Wasaaradda
Hawlaha guud oo isaguna ka hadlay furitaankii Ceelkan ayaa waxaa uu
sheegay in siyaasada xukuumadda ee dhanka Biyaha looga gon lee yahay
sidii bulshad ku nool deegaamada Puntland ay u heli lahaayeen Biyo
Nadiif ah oo haqab la',isagoo intaas raaciyey in dadka reer Puntland u
badan yihiin dad Xoolo dhaqato ah,Xooluhuna ay yihiin laf dhabarta
dhaqaale ee Puntland.
Wasiirku waxaa uu intaas ku daray in Xukuumadu mudadii ay xilka haysey
ay hirgalisay qodista Ceelal Biyood oo gaadhaya 27 Ceel oo ah kuwa
Riigagu qodaan,inta la dayactiray iyo kuwa gacanta lagu dhaamiyo ayuu
iyagana wasiirku ku sheegay in ay gaadhayaan 57 ceel gacmood,isagoo
sheegay in hadda gacanta lagu hayo dhaqaalaha lagu qodayo 21-tan ceel oo
laga qodi doono dhamaan Gobollada Puntland
Deegaamada laga qodi doono ceelasha cusub ayaa waxaa lagu sheegay in ay
ka mid yihiin Xudun,Xiingalool, Jeelka Qardho,Dangoroyo, iyadoo sidoo
kalena afar Ceel laga qodi doono Hawdka Sool iyo Mudug.








Allkheyraad
online
Ku Laabo
 |